Cabdi Xaashi oo khudbadiisa ku soo qaatay fariimo toos u durayey Farmaajo

Guddoomiyaha Aqaqlka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa laba farriimood oo ku soo qaatay khudbadii uu ka jeediyey xafladii saxiixa Heshiiska Doorashada.

Labada farriimood ayaa si toos ah iyo si dadbanba ugu socday madaxda dowlada Federaalka, gaar ahaan madaxweynaha xilkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo, iyadoo labada nin uu khilaaf xoogan u dhexeeyey mudooyinkan.

Farriinta koowaad ee Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa ahayd mid aanay soo hadal qaadin madaxdii kale oo ku saabsaneyd wiilasha Soomaaliyeed ee ku maqan dalka Eritrea, kuwasoo Madaxda dowladda dowladda Fedeaalka ee waqtigooda dhammaaday ay dalkaasi tababar ugu direen.

“Maalmahan waxaa socday cabasho ay soo jeediyeen Waalidiin caruurtooda tababar ciidan loo diray oo labo sano ka maqan, waxaana madaxda dowladda ka dalbanayaa in waalidiintaasi loo jawaabo, lana qanciyo” ayuu khudbadiisa ku yiri Guddoomiyaha Aqalka sare.

Cabdi Xaashi ayaa farriintiisa labaad ahayd digniin ku socota dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan xildhibaannada dooranaya madaxweynaha cusub, wuxuuna kula taliyey inaysan dooran qof kursiga lagu tijaabinayo oo aan wax khibrad ah lahayn.

“Waxaan leeyahay dowladda la dhisayo wiil ama gabar ku nasiibso ah ma gasho, waxaan ula jeedaa Madaxda aanu dowlada u dooraneyno waa inay noqdaan kuwo aqoon dowladeed leh” ayuu yiri Cabdi Xaashi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -