Qaraxyo iyo dagaal toos ah oo lagu qaaday kolonyo ay wateen Ciidamada AMISOM

Qarax ayaa caawa maqribnimadii ciidamo ka tirsan kuwo AMISOM lagula beegsaday degaanka Muuri oo ka tirsan gobolka Sh/hoose.

Ciidamada la qarxiyey oo watay kolonyo gaadiid ah ayaa qaraxa ka dib waxaa ku bilowday weerar toos ah oo ay ku soo qaadeen dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab.

“Markii uu dhacay qaraxa ka dib waxaa bilowday dagaal toos, waxaana maqleynay rasaas culus oo la isweydaarsanayo” ayuu yiri goob jooge degaanka ku sugan.

Lama oga illaa hadda Khasaaraha ka dhashay qaraxa hore iyo weerarka xigay ee tooska ah, waxaana goobtaas ku baxay ciidamada dowlada oo gurmad u sameynaya ciidamada uu weerarku qabsaday ee AMISOM.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -