Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Qoor-qoor oo kulan la qaatay Xasan Shiikh iyo Shiikh Shariif (Sawirro)

Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Ahmed iyo Xassan Sheekh Maxamuud ayaa xarunta Madasha Xisbiyada Qaran ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo galabta halkaas gaaray.

Kulanka oo ah mid gaar ah ayaa diiradda lagu saarayaa xaaladda Siyaasadeed, maareynta marxaladda kala guurka ee Dalka iyo dhaqan gelinta heshiiskii Dhuusamareeb.

Qoor-qoor ayaa Muqdisho yimid Isniintii maalin kaddib markii xilka laga riday Ra’iisul Wasaare Kheyre, waxaana uu tan iyo markii uu yimid uu waday kulamo kala duwan uu la qaatay Madaxweyne Farmaajo iyo Mas’uuliyiin kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Falcelin ka dhalatay Codsigii uu C/raxmaan C/shakuur u diray Bulshada Soomaaliyeed

Cabdi Cade

Khayre oo ka qeyb galay shir looga hadlay arrin Muhiim ah oo Cadaado ka dhacay (Sawirro)

Caydiid Ali

Wax badan ka Ogow Awoodaha Maxkamada Caalamiga ICJ iyo hanaankeeda shaqo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---