Allbanaadir.com
NEWS

Mareykanka oo qirtay in qof shacab ah ku dileen magaalo ay maamulaan Al Shabaab

War kasoo baxay taliska ciidamada Maraykanka ee ka hawlgala qaaradda Afrika ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in weerar dhanka cirka ah oo diyaaradahooda ka fuliyeen magaalada Jilib ku dileen qof shacab ah.

Duqeyntan Mareykanka qirtay in qofka shacabka ah ku dileen sidoo kale ku dhaawacmeen sadex qof oo kale ayaa ka dhacday magaalada Jilib ee gobolka Jubada Dhaxe  2-dii Febraayo ee sanadkan 2020-ka .

“Nasiib Darro, waxaan rumeysanahay in howlgaladeena uu ka dhashay dhimashada hal ruux oo rayid ah iyo saddex dhaawac ah kuwaasoo aan ahayn yoolka aan lahayn.”ayuu yiri taliyaha ciidamada AFRICOM Gen. Stephen Townsend.

Mareykanka ayaa sidoo kale horey u qirtay in dad shacab ah ku dileen duqeymo ka dhacay gudaha Soomaaliya, waxaana la sheegay in ay jiraan dad badan oo shacab ah oo ku dhintay Duqeymaha Mareykanka fuliyeen kuwaa oo aysan wali qiran.

Diyaaradaha dagaalka dowlada Mareykanka ayaa duqeymo ka fuliya deegaanada ay inta badan maamulaan Al Shabaab, duqeymaha ayaana mararka qaar waxyeelo kasoo gaartaa dad shacab ah .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shirkada Qatar Airways oo Duulimaad toos ah bilaabeysa Muqdisho

Cabdi Cade

Wasiir ka hadlay weerar galabta lagu rasaaseeyey Kolonyo uu la socday Xassan Shiikh

Caydiid Ali

Xukuumada Somalia oo markii ugu horeesay ka hadashay Mooshinka Madaxweyne Farmaajo

Cabdi Cade