Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Deni oo amray in la toogto dad uu ku tilmaamay Puntland

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in mararka qaar deegaanada Puntland ka dhacaan khalaalse iyo isku dhacyo ay soo abaabulaan dad uu ku tilmaamay cadawga Puntland.

Deni ayaana faray ciidamada amaanka maamulkaasi in aragti ku toogtaan cadawga Puntland dad uu ku tilmaamay , waxa uuna ku amray ciidamada in dadkaasi aysan maxkamad la sugin oo horey ka toogtaan.

”Waxaan farayaa ciidamada Puntland meel kasto ay joogaan waxii bulshadan cadaw ku ah meeshaad ku aragtaan ku toogta,Maxkamad hala sugina maxaa yeelay cadawga hada jira waa wajiyo badan yihiin, cid kasta oo fal dambiyeed ku jirta oo hubeesan oo wax fulineysa goobtaas halagu toogto” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Madaxweyne Deni ayaana cadeeyn cida ay yihiin cadawga Puntland, waxa uuna sheegay in cadawgu ay yihiin dhoor nuuc oo wajiyo badan kuwaa uu sheegay in ay kasoo horjeedaan xasiloonida iyo horumarka Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasaaradda Amniga oo go’aan cusub kasoo saaray xiridii Terminal-ka MOVECON

Cabdi Cade

Ajaaniib katirsaneyd Al Shabaab oo gacanta lagu dhigay lana soo bandhigay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Madaxweyne Wiilkiisa oo Xildhibaan ah la doonaya in uu u magacaabo jago kale

Cabdi Cade