Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Qoor Qoor oo safar deg deg ah ku yimid Muqdisho iyo Xog ku aadan Ujeedka …

Waxaa goordhaw magaalada Muqdisho soo gaaray Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, saacado kadib markii xilka laga tuuray Xukuumada Soomaaliya.

Sida aan wararka ku heleyno Madaxweynaha Galmudug ayaa markii uu soo gaaray Muqdisho loo galbiyay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya uu kulamo kula leeyahay Madaxweyne Faraamjo.

Ilo ku dhaw dhaw Madaxtooyada Galmudug ayaa laga soo xigtay in Madaxweyne Farmaajo iyo Qoor Qoor kawada hadlayaan ridista Xukuumadii Kheyre iyo sida looga gudbi karo marxalada siyaasadeed ee hada taagan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa in Qoor Qoor kala tashanayo magacaabista Ra,isul Wasaare cusub iyo sida loo sii wadi karo wajiga sadexaad ee Shirka Dowlada federaalka iyo kuwa Maamul goboleedyada.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Qoor Qoor ayaa saaxiib dhaw la ahaa Ra,isul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo maalin kahor xilka laga tuuray xili uu ku sugnaa Magaalada Dhuusomareeb.

Safarka Madaxweyne Qoor Qoor maanta ku yimid magaalada Muqdisho ayaa noqonaya kii ugu horeeyay uu ku yimaado caasimada tan iyo markii xilka loo doortay, waxaana safarkan ku yimid si deg deg ah kadib dalab uga yimid Madaxtooyada Soomaaliya.

Waxii warar ah ee kusoo kordha warkan kala soco wararkayaga dambe Insha allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Trump oo sheegay in Biden uu lumiyey heybadii iyo cabsidii laga qabi jiray Maraykanka

Caydiid Ali

Milatariga Soomaaliya oo soo bandhigay wiil kasoo goostay Al Shabaab

Cabdi Cade

Dil saakay ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---