Ruushka oo Tijaabiyay Hub nuuciisa aan horey loo arkin iyo dowlado walaac ka muujiyay

Dowlada Ruushka ayaa la sheegay hawada Sare ku tijaabisay hub casri ah oo nuuciisa aan horey loo arag, waxaana tijaabadan cusub durba walaac xoogan ka muujiyay dowladaha Mareykanka iyo Britain.

Hubkan casriga ee Ruushka hawada ku tijaabiyay ayaa la sheegay in uu yahay mid shucaac ah oo u muuqdo mid lagu isticmaali karo Hawada Sare, waxaana hubkan la sheegay in uu waxyeeleen karo dayax gacmeedka.

War ay soo saartay Wasaaradda Difaaca ee dowlada Ruushka ayaa lagu sheegay in ay isticmaashay teknolojiyad casri ah oo ay ku eegeyso sida ay u shaqeynayaan qalabkeeda u yaalla Hawada Sare ee dhulka ka fog.

Madaxa Guddiga arrimaha hawada ee UK, Harvey Smyth, ayaa sheegay in uu ka walwalsan yahay tijaabadii ugu dambeysay ee Ruushka uu sameeyay, taas oo uu ku tilmaamay “in qaab hub halis ah ay lahayd.

“Ficilladan oo kale waxay halis gelinayaa amniga Hawada Sare, waxaana halis noqonaya firirka ka dhasha oo ku dhici kara dayax-gacmeedyada iyo hannaanka hawada ee dunida ay ku tiirsan tahay,waxaan Ruushka u sheegayaa in ay masuuliyad iska saaraan arrintan” iyo in ay “ka fogaadaan tijaabo noocan ah oo mustqbalka ah”. ayuu yiri Harvey Smyth.

Taliyaha Hawada Sare ee Mareykanka Gen Jay Raymond, ayaa sheegay in tijaabadii ugu dambeysay uu sameeyay Ruushka caddeyn loo hayo, waxa uuna shaaciyay in Ruushka Hawada sare ku tijaabiyay gantaal lid ku ah dayax-gacmeedyada”.

 “Tani waxay caddeyn dheeraad ah u tahay in Ruushka uu sii wado dadaalkiisa uu ku casriyeynayo kuna tijaabinayo hubka Hawada Sare, waxayna Kremlin-ka sii wadaa cilmiga ay hub cusub halkaas ku geyneyso oo halis ku ah hantida Mareykanka iyo xulafadiisa ee halkaas u taalla.”ayuu yiri taliye Jay Raymond.

Dowlada Ruushka, Mareykanka iyo Britain ayaa kamid ah 100-dal oo saxiixay heshiiska Hawada Sare oo qeexaya in cilmi-baaris cusub loo adeegsado iyo in si nabad ah oo keliya lagu wada joogo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -