Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Farmaajo oo kulan gaar ah la leh labo kamid ah Madaxda maamul goboleedyada

Magaalada Dhuusomareeb ee caasimada Galmudug waxaa ka socda kulan albaabada u xiran yihiin oo ay leeyihiin Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya iyo Madaxda maamulada Jubbaland iyo Puntland.

Sida aan wararka ku helnay Madaxweyne Farmaajo ayaa kala hadlaya Axmed Madoobe iyo Saciid Deni sidii xal looga gaari lahaa khilaafka dowlada federaalka iyo maamuladooda si loo soo celiyo wada shaqeynta iyo xiriirka labada dhinac.

Kulanka oo ah mid albaabada u xiran yihiin ayaa wararku sheegayaan in diirada lagu saarayo sidii looga gudbi lahaa caqabadaha iyo khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay arimaha doorashooyinka iyo arimo kale.

Maamulada Jubbaland iyo Puntland ayaa sameestay isbaheysi ka dhan ah dowlada federaalka Soomaaliya, waxaana labadan maamul noqdeen mudooyinkii dambe kuwa siyaasad ahaan kasoo horjeeda dowlada federaalka aadna u dhaliila madaxdeeda.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa magaalada Dhuusomareeb kulama kala duwan kula qaatay Madaxda maamul goboleedyada oo magaaladaasi u tagay shirka looga arinsanayay arimaha doorashada dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii Ugu Dambeeyay kulamo xal loogu raadinayo Khilaafka Guudlaawe iyo Dabageed oo socda

Cabdi Cade

Qeyladhaan ka soo yeertay Haweenka Qaadka ku iibiya Suuqyada Muqdisho

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Rooble iyo Madaxweyne Deni oo caawa kulmay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---