Wararkii Ugu Dambeeyay kulamo xal loogu raadinayo Khilaafka Guudlaawe iyo Dabageed oo socda

Magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa ka socda kulamo xal loogu raadinayo khilaaf dhinaca doorashada oo soo kala dhax galay Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe iyo kuxigeenkiisa Yuusuf Dabageed.

Khilaafka labada masuul ayaa ka dhashay doorashada Xildhibaanada gollaha shacabka ee harsan gaar ahaan kuwa ee leeyihiin Beelaha Xawaadle iyo Gaaljecel uu rabo Yuusuf Dabageed in loo xiro musharaxiin uu si gaar ah u wato.

Xarunta uu degan yahay Madaxweynaha Hirshabelle ayaa kulamo waxa uu uga socdaa Cali Guudlaawe, Yuusuf Dabageed, Musharaxiin Xildhibaano iyo qaar kamid ah odayaasha dhaqan gobolka Hiiraan.

Kulamadan ayaa xal loogu raadinayaa khilaafka madaxda sare ee Hirshabelle iyo sidii magaalada Baledweyne uga dhici laheyd doorashada kuraasta harsan iyada oon wax dhibaato ah halkaasi ka dhicin.

Qaar kamid ah musharaxiinta Xildhibaano ayaa ku hanjabay in aysan oggolaan doonin in magaalada ka dhacaan doorashooyin dad gaar ah loo xiray, waxa ayna dalbadeen in doorashada noqoto mid furan oo loo wada tartamo.

Madaxweynaha Hirshabelle ayaa wararku sheegayaan in uu maanta ka baaqday safar uu uga soo tagi lahaa Baledweyne,waxa uuna isku dayayaa in xal loo helo khilaafka dib u dhaca u keenay doorashada kuraasta ku harsan Baledweyne.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -