Mid ka mid ah Jidadkii ugu burburka badnaa Muqdisho oo laami cusub la saaray (Daawo Sawirro)

Wadada Muhiimka ee isku xirta isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socda howlo dib u dhis ah iyadoo laami cusubna la saaray.

Jidkan ayaa burburka baaxada leh ee ku dhacay awgeed gaadiidku ay ku qabeen dhibaato fara badan. waxaana ka dhex sameysmay godad iyo biyo fariisino ay sababeen daadadka roobabka.

Maamulka gobolka Banaadir oo kaashanaya, gaadiidleyda iyo dadka degaanka ayaa bilaabay dib u dhis iyo dayactir lagu sameynayo wadadan, waxaana hadda la saarayaa laami cusub oo dib u soo celiyey bilicdii iyo rajadii wadadan.

Dhismayaasha caanka ah ee lagu xusuusto hareeraha wadadan ayaa waxaa ka mid ah Baar & hotel Raaxo, Ex-Shineemo Hodan, dugsiga hoose dhexe ee Dhagaxtuur, laantii hore ee Boostada degmada Hodan, Daarta caanka ah ee Dabka oo ku taalla halka ay iska galaan wadadan iyo jidka Maka Al-Mukarama iyo dhismeyaal kale.

Shacabka ku nool xaafadaha ku teedsan wadada dabka iyo Bakaaraha ayaa si weyn u soo dhoweeyey dib u dhiska lagu sameeynayo wadadan, waxaana qaarkood ay sheegeen ineyku farxeen howsha lagu dayactirayo wadadan, iyagoo xusay iney u hamuun qabaan iney mar kale arkaan gaadiidka oo si xarago leh u isticmaalaya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -