Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowlada Somalia oo digniin ka bixisay Masiibo ku soo wajahan dalka (Akhriso)

Wasaarada Gargaarka iyo Maareynta masiibooyinka ee Xukuumada Somalia ayaa ka digtay dabeylo xoogan oo ka bilowday xeebaha koonfurta iyo bartamaha Somalia.

Dabeylaha xagaaga oo xawaarahooda sare u kacay ayay suurtagal tahay inay waxyeello hantiyeed ka geystaan degaannada dhaca xeebaha ee gobalada Jubbooyinka iyo Shabeellada Hoose sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Wasaarada.

Dabeyshan ayay Wasaaradu intaas ku dartay iney ku socoto xawaare u dhexeeya 30-45 Km saacadii waxayna xoogeeda ku wajahan tahay jihada woqooyi ee dalka.

Meelaha ay sida weyn u saameyn karto ayey wasaaradu sheegtay iney ka mid yihiin Kismaayo, Badhaadhe Baraawe, Marko, Jamaame, Afmadow iyo meelo kale, iyadoo maamulada degaanadaas ku wargelisay iney u diyaar garoobaan xaaladan soo cusboonaatay, ayna taageero u muujiyaan bulshada degaanadaas ku nool.

“Dabeylahan xooggan ayaa gurayaha saqafka kore ka qaadi kara isla markaana waxay sababi karaan burbur xoogan” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay wasaarada oo sidan hoose u qornaa:-

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladda Soomaaliya oo Shir Wadatashi ah Telfoon kula yeelatay Dowlad goboleedyada

Cabdi Cade

Putin oo 24 saac ka dib ka hadlay shilka sababay geerida Prigozhin, kuna tilmaamay..

Caydiid Ali

Muslimiinta iyo Carabta Mareykanka oo qaatay go’aan ka nixiyey Madaxweyne Biden

Caydiid Ali
Taboola Ads ---