Wasiirka amniga gudaha Somalia oo Helsinki kula kulmay Wasiiro ka tirsan dowlada Finland (Daawo Sawirro)

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya oo uu wehliyo Agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo booqasho ku jooga dalka Finland ayaa la kulmey Wasiirka arrimaha Gudaha dalkaas.

Waxay ka wada hadleen iskaashi laga yeesho dhinacyada amniga, socdaalka iyo dukumentiyada Soomaaliga ah oo uu ka mid yahey baasaboorka

Agaasimaha guud ee  heyadda socdaalka ayaa kulan gaar ah la qaatey ku-simaha Agaasimaha guud ee laanta socdaalka Finland, waxayna ka wada hadleen sidii la isaga kaashan lahaa arrimaha socdaalka.

Finland ayaa balan qaadey tababaro ay u sameynayaan saraakiisha socdaalka Soomaaliya.

Wafdiga Wasiirka ayaa booqdey qaar ka mid ah xarumaha ilaalada xuduudaha iyo xaruunta isku xirka howlgallada amniga iyo socdaalada ee dalka Finland.

Dalka Finland ayaa ka mid dalalka laga sugayo go’aanka dib u tixgelinta Baasaboorka Soomaaliya, waxayna balan qaadeen in ay dadejin doonaan habka aqoonsiga Baasaboorka Soomaaliya.

Wasiirka iyo wafdiga uu hogaaminayo waxa ay kulan la qaateen Taliyaha Booliska Dalka Filand oo ay ka wada hadleen isdhaafsiga xogta iyo qibradaha Booliska.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -