Shirka Madaxda maamul goboleedyada oo ka furmaya Dhuusomareeb iyo Ajandaha shirka …

Waxaa saakay lagu wadaa in magaalada Dhuusomareeb ee caasimada maamulka Galmudug si rasmi ah uga  furmo shir ay yeelanayaan Madaxda maamul goboleedyada xubnaha ka ah dowlada federaalka.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ay yeelanayaan Madaxda maamul goboleedyada kaligood ayaa looga hadli doonaa arimo xasaasi ah ay ugu horeeyaan arimaha doorashooyinka ,amaanka iyo qodobo kale.

Ajandaha shirka maanta ka furmaya magaalada Dhuusomareeb ayaa la sheegay in uu noqon doono khudbadaha ay jeedinayaan Madaxda maamul goboleedyada dalka, waxaana furitaanka kadib madaxda yeelan doonaan shirar albaabada u xiran yihiin.

Shirkan maanta ka furmaya magaalada Dhuusomareeb ayaa ah mid si weyn indhaha loogu hayo qodobada kasoo bixi doono, waxa uuna shirkan noqonayaa kii ugu horeeyay ay isugu yimaadaan Madaxda maamul goboleedyada mudo kadib.

Sida qurshuhu yahay shirkan ayaa socon doona mudo sadex maalin ah, waxaana gabo gabada kulanka la filayaa in Madaxda maamul goboleedyada soo saaraan War murtiyeed ay isku raacsan yihiin.

Shirkan ayaa kusoo aadaya xili wali aan la ogeyn xiliga ay dhaceyso doorashada Soomaaliya xili waqti yar ka harsan yahay mudo xileedka dowlada hada jirta ,sidoo kale aan la ogeyn nuuca doorasho ee dalka ka dhici doonta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -