Raisul Wasaare hore oo la toogtay xilli uu fagaare ka khudbeynayay (Sawirro)

Raisul Wasaarihii hore ee Japan Shinzo Abe ayaa isbitaal loola cararay kaddib markii lagu toogtay munaasabad ka socotay goob fagaare ah magaalada Nara. isagoo markii dambe u dhintay dhaawacii ka soo gaaray rasaas haleeshay.

Shinzo Abe ayaa la toogtay labo jeer, iyadoo xabbad kaga dhacday dhabarka, taasoo keentay inuu dhulka ku dhaco. Wararka ayaa sheegaya in ninka weerarka geystay la xiray.

Sawiro lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya shaqaalaha caafimaadka oo ku hareeraysan Shinzo Abe bartamaha meel waddo ah, iyadoo markaas kadibna loola cararay isbitaalka.

Abe ayaa markii uu weerarku dhacay waxa uu khudbad ka jeedinayay munaasabad ka dhacaysay magaalada Nara – goobjoogeyaal ayaa sheegay in ay arkeen nin ay tilmaameen inuu qori weyn gadaal ka soo ridayay.

Rasaastii ugu horreysay ayaa u muuqatay inay seegtay laakiin xabbada labaad waxay uga dhacday dhabarka. Isla markiiba waxa uu ku dhacay dhulka isaga oo uu dhiig ka qubanayo. Ciidamada amaanka ayaa xabsiga dhigay ninka looga shakiyay inuu weerarka geystay oo aan isku dayin inuu baxsado.

Duqii hore ee Tokyo, Yoichi Masuzoe ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in Abe oo 67 ah uu soo gaaray dhaawac culus oo sababay inuu u geeriyoodo.

- Advertisement -