Allbanaadir.com
NEWS

Deeq Waxbarasho oo loo soo bandhigay Ardayda Dugsiga sare ee dalka ka baxday

Hormuud Salaam Foundation waxay ogeysiinaysaa Ardayda ka baxday Dugsiyada Sare ,gaar ahaan sanad dugsiyeedka 2018/2019 & 2019 /2020 in la qaadi doono Imtixaankii lagu codsanayey Deeqda Waxbarasho ee sanadlaha ah ee shirkada Hormuud Telecom. Imtixaanka waxaa la qaadi doonaa 4 & 5 August 2020, wuxuuna ka dhici doonaa Xarunta Jaamacada Hormuud ee Buulo Xuubeey.

Sharuudaha Gelidda Imtixaanka eeardey kastaa laga rabo waxaa ka mid ah:

1. Ardey kastaa Inuu buuxiyo Foomka Codsiga Imtixaanka, kaasoo laga helikaro Ciwaankaan : http:/http://hsp.htf.so/portal/StudentRegistration, laga bilaabo, Axad 12ka July 2020, saacadda markeey tahay 10-ka (subaxnimo), ilaaa 13 July,10:00am ama markii aay is diiwaan geliyaan 400 ardey.

2. Inuu ka mid yahay Ardayda dhameysey dugsiga sare Sanad Dugsiyeedka 2018/2019 & 2019/2020.
3. Inuu ardaygu heysto aqoonsiga Roll Number ee Wasaaradda waxbarashada
4. Inuu helikaro Shahaadada dugsiga sare markii loo baahdo.
5. Ardey kastaa waxaa laga codsanayaa inuu soo xirto Weji xirasho ( Face mask), iyadoo la raacayo timlaamaha caafimaad ee wasaarada Caafimaadka bixineeyso ee xaaladaha Covid-19.

Waxaana loo tartami doonaa sanadkaan kulliyadaha kala ah:

 Kuliyadda Beeraha
 Kuliyadda Badda
 Kuliyadda ICT
 Kuliyadda Geology
 Kuliyadda Shareecada iyo Qaanuunka
Haddaba Ardayda iyo Waalidiinta Soomaaliyeed waxaan ku wargelinaynaa in Imtixaankaas isu diyaariyaan.

Wixii faah faahin ah kala xiriir telefoonada hoos ku qoran
Tel: 0613 99 33 67 Ama 0613 99 33 68

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Erdogan oo hal Shardi ku xiray in ay la shaqeeyaan Maamulka Taalibaan

Cabdi Cade

Madaxweyne Biixi oo xariga ka jaray Mashruuc ay ku baxday 20 Milyan oo dollar (Sawirro)

Caydiid Ali

Puntland oo shaacisay in wax taageero dhaqaale ah aysan ka helin beesha Caalamka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---