Allbanaadir.com
NEWS

Siyaasi ugu baaqay Dowlada Qadar in ay joojiso isku dayga Mudo kororsiga Madaxda DF

Dowada Qadar oo kamid ah dowladaha sida weyn u taageera xiligan dowlada federaalka Soomaaliya ayaa lagu tuhmayaa in qeyb ka tahay qorshaha la doonayo in mudo kororsi loogu sameeyo madaxda talada dalka hada heysa.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in dowlada Qadar dhibaato badan ka geesatay Soomaaliya, waxa uuna ugu baaqay dowladaasi in ay joojiso isku dayga mudo kororsiga ugu raadineyso madaxda mudo xileedkoodu dhamaaday.

”Qadar dhib intii ku filan Soomaaliya way u geysatay. Waxaan ugu baaqaynaa in ay joojiso isku dayga ay muddo kororsiga ugu raadinayso madaxda muddo xileedkoodii idlaaday.!” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sidoo kale ugu baaqay Madaxda dowlada ee damaca kaga jiro muddo kororsi in ay ka waantoobaan isku daygaasi ayna kalsoonina is geliyaan, shacabkoodana aaminaan.

Hadalkan kasoo yeeray Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa kusoo aadaya xili safiirka dowlada Qadar ka bilaabay magaalada Muqdisho kulamo uu la qaadanayo madaxda dowlada uuna kala hadlayo arimaha doorashooyinka iyo qorshayaal kale oo qarsoon.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Hanti dhowrka Qaranka oo baaraya xafiisyada Wasaarada Awqaafta & A/Diinta

Caydiid Ali

(Sawirro) Ra’isul Wasaare Xamse oo ku faanay in muddo Sannad shaqaaleeysiiyeen in ka badan …

Cabdi Cade

Booliiska Garawe oo gacanta ku dhigay hooyo la baxsaneysay gabdho ay dhashay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---