Dhexdhexaadintii Itoobiya ee Somaliland iyo Isimada Sool oo qarka u saaran fashil

Dhexdhexaadintii ay waday Itoobiya ee lagu doonayay in laga baaqsado dagaalo mar kale ka dhaca gobolka Sool ayaa hadda sii dhimanaysa.

Isku daygii u dambeeyey ayaa guuldareystay ayaa guuldareystay ka dib markii SSC ay sheegeen inaysan Somaliland aheyn, lana kulmeynin Odayaashii Caynaba iyo cid ka socota Somaliland ilaa ciidankooda laga qaado duleedka Laascaanood, lana geeyo degaanka Oog.

Isimadda dhaqanka SSC ayaa diiday inay wada hadal nooc kasta oo uu yahay la galaan Somaliland, iyadoo ciidamadeedu joogaan duleedka magaalada Laascaanood, waxayna dawladda Itoobiya ku wargaliyeen in duqeyn iyo dagaal joogta ah ay mar kasta ka shaqeynayso Somaliland.

Sidaas waxay ku sheegeen qoraal rasmi ah oo ay u direen Xukuumadda Itoobiya.

Isimadda ayaa ka jawaabay qoraal uga yimid Addis Ababa, oo ahaa in Madaxweyne Biixi la bixida ciidamadiisa ku xiray iney wadahadalo furmaan, deegaankana uu yahay mid Somaliland leedahay oo xalinta qadiyada laga soo qaado mid gudaha Somaliland

SSC ayaa sheegay in aysan aheyn Somaliland, oo aysan cidna deegaanadooda la laheyn cida ayu wax la qeybsanayaana ay tahay go’aan iyaga u yaalla.

Ismari waaga ka taagan isimada Sool iyo Maamulka Somaliand ayaa laga cabsi qabaa inuu horseedo dagaalo kale oo ka dhaca Laascaanood oo weli ay isku hor fadhiyaan ciidamada labada dhinac.

Dhinaca kale, Warbixin maanta ka soo baxday Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC) ayaa lagu sheegay in tan iyo markii ay rabshaduhu ka qarxeen magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool, bilowgii bishii Feberaayo, ugu yaraan 150 qof lagu dilay halka ay boqolaal kalena ku dhaawacmeen.

Waxaa lagu qiyaasay in ka badan 185,000 oo qof ay ku barakaceen. Qoysaska badankooda waxay ku noolyihiin xerooyinka barakacayaasha ee ku yaala magaalooyinka u dhow ee Kalabaydh, Xudun iyo Taleex. Kuwo kale ayaa iyana u qaxay magaalooyinka Garoowe iyo Buuhoodle. Mowjadda barakaca ayaa imaneysa ka dib mid ka mid ah abaarihii ugu xumaa ee gobolka soo mara.

ICRC iyo Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed (SRCS) ayaa sheegay in ay ka jawaabeen baahida bini’aadamnimo oo ay rabshaduhu sababeen, iyaga oo ku baaqay in la isxakameeyo lana helo gaaritaan aan xanibaad laheyn ee dadka ay colaaduhu saameeyeen.

“Dadku waxa ay si daran ugu baahanyihiin cunto iyo biyo. Waa wax aad looga naxo in aad aragto hooyooyin iyo caruur yaryar ah oo isku dayaya in ay ku badbaadaan cimiladan aadka u adag,” ayuu yiri Merick Alagbe oo ah kormeera howlaha ICRC-da ee aagaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -