Taiwan oo soo Magacowday wakiilka cusub ee u fadhin doona Somaliland

Taiwan ayaa wakiil cusub oo lagu magacaabo Lou Chen-hwa u magacowday Somaliland sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Wasaarada arrimaha dibeda ee Taiwan.

Lou Chen-hwa ayaa horey u ahaa La-taliyihii Arrimaha Dhaqaalaha Taiwan ee dalka Saudi Arabia, waxaana isaga iyo diblomaasiyiin kale oo u dhashay Taiwan ay tan iyo bishii Febraayo ee sanadkan ku sugan yihiin magaalada Hargeysa sida uu qoray wargeyska Focus Taiwan.

Wasiirka Arimaha Dibadda Taiwan Joseph Wu ayaa Arbacadii kaga dhawaaqay shir jaraa’id in Taiwan iyo Somaliland ay ku heshiiyeen in labada dal ay xafiisyo ka kala furtaan magaalooyinka Taipei iyo Hargeysa.

“Marka xafiisyada la sameeyo, labada dhinac waxay iska kaashan doonaan dhinacyada beeraha, macdanta, kalluumaysiga, tamarta, caafimaadka bulshada, waxbarashada iyo teknolojiyada macluumaadka” ayuu yiri Wu.

Taiwan ayaa sheegtay in xafiiskeeda uu la mid yahay xafiisyada ay Somaliland ku leeyihiin dalal kala duwan sida Ingiriiska, Denmark, Ethiopia, Turkey, Djibouti, Canada, Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay.

Taiwan iyo Somaliland oo sheegtay iney yihiin dowlado madax banaan ayaan weli caalamka ka helin aqoonsi ah.

Dowlada Shiinaha oo diidan madax banaanida Taiwan, isla markaana aaminsan iney shiinaha ka tirsan tahay ayaa si weyn uga carootay xiriirka Somaliland sheegtay iney la yeelatay Taiwan.

Qoraal kooban oo ay soo saartay Safaarada China ku leedahay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa lagu sheegay ineysan oggolaanayn in qof, urur ama xisbi siyaasadeed midkoodna uu gooyo dhul ka mid ah Shiinaha waqti kasta ama qaab kasta.

“Waxaa jira hal China. Taiwan waa qayb ka mid ah China isla markaana Dowladda Shiinuhu waa midda qura ee sharci ah ee wada metesha Shiinaha oo idil, Marna qof, urur, ama xisbi siyaasadeed kama ogolaan doonno inuu qayb yar ka jaro gayiga Shiinaha xilli kasta ama qaab kasta. Taiwan waa qayb aan laga qaadi karin Shiinaha” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Safaarada Shiinaha ee Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -