Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamadii ugu horeeyay ee lagu tababaray xerada Turkiga oo Tababar loo soo xiray Dhoolo tusna sameeyay (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa maanta tababar usoo xiray Dufcadii ugu horeesay Ciidamo katirsan dowlada Soomaaliya oo lagu tababaray Xerada Milatari ee Turkiga ka fureen Muqdisho.

Ciidamadan tababarka loo soo xiray ayaa la baray xeeladaha dagaalka iyo sida howlgalo loo fuliyo, waxaana ciidanka tababarka siinayay saraakiil iyo khubaro dhinaca Milatariga ah oo u dhashay dalka Turkiga.

Ciidamada tababarka loo soo xiray ayaa xerada Tababarka Turkiga kusoo bandhigay dhoolo tus cajiib ah ay ku muujinayeen tababarkii la siiyay, waxaana dhoolo tuskaas daawanayay Madaxweyne Farmaajo iyo masuuliyiin kala duwan.

Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo oo munaasbada ka hadlay ayaa amaanay ciidanka tabbaarka loo soo xiray, waxa uuna ciidanka u sheegay in ay u diyaar garoobaan difaaca dalkooda.

Dowlada Turkiga ayaa magaalada Muqdisho ka furtay xero milatari oo casri ah, waxaana xeradan lagu tababari doonaa ciidanka Dowlada Soomaaliya gaar ahaan kuwa Xooga dalka, waxaana ciidanka tababaraya khubaro milatari oo u dhashay dowlada Turkiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxa heyadda USAID oo dalka yimid & RW Khayre oo qaabilay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Dal Yurub kuyaala oo Mamnuucaya in sharci la siiyo dadka Magangelyo doonka ah

Cabdi Cade

Degaano ay ku sugan yihiin Kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish oo cirka laga duqeeyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---