Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Qoor-qoor oo safar dhulka ah ku gaaray deegaanka..(Daawo Sawirro)

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi kaariye “Qoor Qoor” ayaa gaaray deegaanka Dhabad ee waqooyiga gobolka Galgaduud.

Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Galmudug Cali Daahir Ciid oo madaxweyne Qoor Qoor kaga horeeyay deegaanka Dhabad ayaa halkaas isaga,mas’uuliyiinta maamulka iyo Bulshada qeyabaheeda kala duwan ku soo dhoweeyay wafdiga madaxweynaha.

Safarka madaxweynaha Galmudug iyo ku-xigeenkiisa ay ku joogaan deegaanka Dhabad ayaa waxaa ku wehlinaya  qaar ka mid ah wasiirada iyo xildhibanada Galmudug,wuxuuna mudada uu halkaas ku sugan yahay kulamo xog-wareysi ah la yeelan doonaan maamulka iyo bulshada deegaanka.

Socdaalka uu madaxweynaha Galmudug uu ku gaaray deegaanka Dhabad ayaa qeyb ka ah safaro maalmihii dambe uu ku marayay deegaanada iyo degmooyinka Galmudug,halkaas oo uu ugu kuurgalayay xaaladda nololeed iyo midda amni ee Bulshada degaanadaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wefdi ka socda Dowlada Somalia oo gaaray dalka Hidniya (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Kenya oo Sababaha keenay Khilaafka kala dhaxeeya Somalia u gudbisay Q/M iyo Midowga Afrika

Cabdi Cade

Soomaaliya oo dalbatay iney ku biirto Heshiiska Africa Growth and Opportunity Act (AGOA)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---