Allbanaadir.com
NEWS

Wefdi ka socda Dowlada Somalia oo gaaray dalka Hidniya (Daawo Sawirada)

Wefdi uu hogaaminayo Ra’iisalwasaare Xigeenka Dalka Muddane Mahdi Mohamed Gulleid iyo xubno ka tirsan Baarlamaanka iyo Golaha Wasiiradda ayaa gaadhay Dalka Hindiya gaar ahaan magaaladda New Delhi.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Hindiya Amb: Abyan Ladane iyo Masuuliyiin ka tirsan Dawladda Hindiya ayaa weftiga Ra’iisalwasaaraha kusoo dhoweeyay magaalada New Delhi.

Ujeedadda Socdaalka weftiga ayaa salka ku haya ka qayb galka shirka Caalamiga ah ee International Solar Alliance, oo beri furmaya ayna ka qayb gelayaan Madaxweynayaasha 121 dal oo kamid ah kuwa caalamka.

Soomaaliya ayaa nasiib u heshay ka qaybgalka shirkaasi Ra’iisalwasaare xigeenka iyo weftigiisa ayaana meteli doonna. Waxana uu Ra’iisulwasaare xigeenku khudbad ka jeedin doonaa Madasha shirka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Gudoomiye Baarlamaanka oo lagu doortay magaalada Dhuuso Mareeb

Cabdi Cade

Nin ka soo jeeda beesha Habar Gidir oo loo doortay Xildhibaan ka tirsan Somaliland

Caydiid Ali

Madixii qaraxyada Al-Shabaab ee gobolka Mudug oo gacanta lagu dhigay saaka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---