Kenya oo Sababaha keenay Khilaafka kala dhaxeeya Somalia u gudbisay Q/M iyo Midowga Afrika

Dowlada Kenya ayaa sababaha keenay khilaafka kala dhaxeeya dowlada Soomaaliya ee ku aadan muranka xuduuda badda ee labada dal la wadaagtay Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Monica Juma ayaa sheegtay in Safiirada dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika u gudbiyeen waxa ay salka ku heyso khilaafka kala dhaxeeya dowlada Soomaaliya.

Monica Juma ayaa safiirada ay la kulantay hor dhigtay  khariidada xuduud-baddeedka ee ay labada waddan ku murunsan yihiin, waxa ayna Safiirada ka codsatay in lasoo faragaliyo xiisada labada wadan u dhaxeeya.

”Warbixin ayaan ka siinay xaalada inoo dhaxeysa anaga iyo Soomaaliya, waxaan rabnaa in la ogaado xaqiiqada iyo waxa khilaafka dhaliyay, waxaana labada golle ka rabnaa in arintan soo fara galiyaan ” ayey tiri Wasiirka Arimaha Dibadda Kenya .

Wasiirada Arimaha dibadda Kenya ayaa sidoo kale sheegtay in diyaar u yihiin dhankooda in lawada hadlo xal wanaagsana laga gaaro muranka dhinaca xuduuda badda ee u dhaxeeya labada wadan si loo soo celiyo xiriirka Diblumaasiyadeed ee hakadka galay.

“Waxaa na go’an in wada-xaajood lagu xaliyo murankaasi iyo inaan rajo buuxda ka qabno inaan xal u heli doono dhibaatadda u dhexeysa Annaga iyo Walaalaheenna albaabka nagu xiga, waayo danaheenna mustaqbalkeenna waa mid isku xiran” ayey tiri Wasiir Juma

Xiriirka Soomaaliya iyo Kenya ayaa meel xun gaaray kadib markii dowlada Kenya ay Soomaaliya kala baxday safiirkeeda sidoo kale Safiirkii Soomaaliya u joogay Kenya ku amartay in dalkooda isaga baxo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -