Soomaaliya oo dalbatay iney ku biirto Heshiiska Africa Growth and Opportunity Act (AGOA)

Soomaaliya ayaa si rasmi ah u dalbatay inay ku biirto heshiiska ganacsiga Africa iyo Maraykanka ee loo yaqaano Africa Growth and Opportunity Act (AGOA) kaasoo ay ku jiraan 36 dal oo Afrikaanka ah.

AGOA waa heshiis u sahlaya waddamada Africa in ay badeecadahooda u suuq geeyaan dalka Maraykanka ayagoo aan laga qaadeyn khidmo/canshuur(duty-free).

Waxaa qeyb ka ah 36 dal oo African ah, kuwaasoo tan iyo sanadkii 2000 heshiiskaan uga faa’ideystay kobcinta dhaqaalahooda.

Madaxweynaha JFS mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbaddiisa sanadlaha shacabka Soomaaliyeed ugu balanqaaday in Soomaaliya ay billaabi doonto ku biiritaanka AGOA.

Wadahadalada u gogol xaaray horumarka arintaan laga gaaray waxay qeyb ka ahaayeen mirihii laga soo hoyay shirkii US-Africa Summit ee Washington ka dhacay December, 2022.

Codsigan ayay dowladda Soomaaliya uga dhawaaqday intii lagu guda jiray xafladda codsiga AGOA ee Soomaaliya, iyadoo safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Larry André oo xilka ka degaya uu muujiyay sida ay Mareykanka uga go’an tahay ballaarinta iyo casriyeynta iskaashiga Afrika iyo Soomaaliya.

André ayaa carrabka ku adkeeyay in Mareykanka uu diiradda saari doono la shaqeynta Soomaaliya iyo dadkeeda si loo helo xalal cusub oo lagu xalliyo caqabadaha cusub iyo kuwa muddada dheer soo jiray, lagana faa’ideysto cilmi-baarista iyo teknoolojiyadda cusub, iyo in la maalgashado ilo xooggan oo mustaqbalka fog ah iyadoo wax laga qabanayo baahiyaha degdegga ah.

Shuruudaha adag ee u-qalmitaanka AGOA waxaa ka mid ah, Soomaaliya waa in ay horumar dheeraad ah ka samaysaa samaynta dhaqaale ku salaysan suuqa, ku dhaqanka sharciga, siyaasadda kala duwanaanshaha, iyo xaqa nidaamka Cadaaladeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -