Allbanaadir.com
NEWS

Xisbiga Sahan oo ka digay Mudo kororsi abuuri kara Khalalaase Siyaasadeed iyo mid amni

Xisbiga Sahan uu Gudoomiye ka yahay Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa ka digay in Doorashada waqtigii loo qorsheeyay dib uga dhacdo mudo kororsina loo sameeyo Madaxda talada dalka hada heysa.

War Saxaafadeed kasoo baxay Xisbiga Sahan ayaa lagu dalbaday in dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah waliba ku dhacdo waqtigii horey loo qorsheeyay ee dastuuriga ahaa.

Xisbiga Sahan ayaana ka digay in mudo kororsi la sameeyo taa uu sheegay xisbiga in uu dalka galin karo khalalaase siyaasadeed iyo mid amniga, waxa uuna xisbiga ugu digay baarlamaanka in xiligan soo saaraan go’aano dalka khatar gali kara.

Halkan ka Akhriso Warsaxaafadeedka xisbiga Sahan

 

Related posts

Gaari uu lahaa Taliye ciidan oo la qarxiyay iyo Faah faahino kasoo baxaya (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Al Shabaab oo shaacisay in Ciidamo Mareykan ah ku dileen Weerar is qarxin oo ka dhacay …

Cabdi Cade

Madaxweynaha Mareykanka oo laga qaadi waayey awoodda uu ku weerari karo Iran

Cabdi Cade
Taboola Ads ---