Shirkado iyo Ganacsato lacago badan oo deyn ah ku leh madaxtooyada Soomaaliya oo …

Qaar ka mid ah ganacsatada iyo shirkadaha ka howl gala Muqdisho ee ka shaqeynayay Madaxtooyada Soomaaliya seddaxdii sano ee lasoo dhaafay ayaa ka cabanaya shaqooyin badan ay qabteen lacagtooda aan la siin si aan wanaagsaneyna loola dhaqmayo.

Shirkadahan iyo Ganacsatada qaar ayaa sheegay in ay ka cabanayaan Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Dr. Nuur Diiriye Xersi (Fuursade), oo is hortaag ku sameeyay in ay helaan lacagaha deynta ah ay ku leeyihiin Madaxtooyada looguna qabtay shaqooyin kala duwan.

Agaasime Nuur Fuursade ayey sheegeen ganacsatana in uu diidan yahay bixinta lacago deyman ah oo lagu leeyahay Madaxtooyada Soomaaliya oo shaqooyin loogu qabtay inta uusan xilka qaban iyo inta uu xilka hayay .

Waxa ay sheegeen shirkadaha iyo ganacsatada lacagaha deynta ku leh Madaxtooyada Soomaaliya in arintooda u gudbiyeen Xildhibaano iyo dad kale oo galaan gal u leh Madaxtooyada balse agaasimaha been u sheegayo kuna qancinayo in la bixin doono.

”Anagana Madaxtooyada waxaa ka shaqeynayay muddo seddax sanno ah waxaa lasoo shaqeynay agaasimayaashii Nuur Fuursade ka horeeyay oo ay ugu danbeysay agaasime Aamina Saciid ,wax dhib ah kuma qabin agaasime Aamina dhankasto ha noqoto mid macaamil wanaag  ama mid lacag bixin intaba, laakin laga bilaabo markii lasoo magacaabay agaasime Nuur waxa uu diiday inuu bixiyo lacagaha deynta ah ee ku taagan xafiiska Madaxweynaha muddada sanadka ah xataa inuu fursad na siiyo aan kula kulano waa diiday waxa uu dhahay agaasimihii hore waxii la xariiro la igalama hadli karo.  Walahi waxaa walwal xoogan ka qabnaa waqtiaga dowlada oo gabagabo ah iyo xiliga kala guurka ah in ay ku dhumaan xoolahena ama lagaga faaiideysto xiligan adag ee wadanka iyo guud ahaan aduunka ka jirto.” ayuu yiri mid kamid ah ganacsatada lacagta ku leh Villa Somalia

Ganacsatada iyo Shirakadaha Deymanka ku leh Madaxtooyada ayaa isugu jiro kuwa laga qaaday baabuur, alaabo furniture-ka, stationary, shidaal iyo shirkada dhismaha iyo kuwa qurxinta xafiisyada iyo waliba hoteelo leh lacago dad la seexiyay oo madaxtooyada marti u ahaa.

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa noo sheegay in Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya sababaha uu u xanibay bixinta lacagaha deynta ee lagu leeyahay ee tahay ku xumeyn agaasinkii ka horeeyay oo la sheegay in khilaaf ka dhaxeeyay .

Shaqooyin badan oo ka socday Madaxtooyada Soomaaliya sida dhismayaal iyo qurxin ayaa istaagtay kadib markii agaasimaha Madaxtooyada ka biyo diiday in uu bixiyo lacagaihii hore ee deymanka lagu lahaa Villa Soomaaliya .

Dadkan xoolaha ka maqan yihiin ayaa ka codsaday in arintaan uu soo fara galiyo Madaxeynaha Soomaaliya Mudane Mohamed Abdulahi farmaajo, waxa ayna sheegeen in aaminaad wax ugu qabteen Madaxtooyada balse hada ay shaleyto ka joogto.

Dowlada fadaraalka ayaa markasto ku faani jirtay in wax lacag deyn ah lagu laheyn oo uu kordhay dhaqaalaha wadanka, taasna waxaa Meesha ka saaray cabashadan hadda taagan oo caqabad ka dhigi karta deyn cafinta  Soomaaliya .

- Advertisement -