Iska hor imaad khasaaro geestay oo ka dhacay magaalada Adis Ababa

Wararka ka imaanaya magaalada Adis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya ayaa sheegaya in iska hor imaad khasaaro geestay oo u dhaxeeyay ciidamada booliiska federaalka iyo burcad hubeesan uu ka dhacay xaafad katirsan Adis Ababa.

Booliiska ayaa la sheegay in ay ku baxeen xaafad ay dhac ka geesanayeen burcad hubeesan oo tiradooda lagu sheegay ilaa 8-nin kuwaa oo  dhacayay xaafado dad shacab ah degan yihiin.

Ciidamada booliiska ayaana ku amray burcad hubeesneed in ay hubka dhigan balse burcada ayaan dagaal kala hor yimid ciidamada booliiska sida uu warbaahinta u sheegay sargaal katirsan booliiska Adis Ababa.

Inta la xaqiijiyay iska hor imaadka ka dhacay magaalada Adis Ababa ayaa lagu dilay mid kamid ah kooxdii burcada halka mid kalana lagu dhaawacay, booliiska ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay lix nin oo kale oo burcadaasi katirsaneyd.

War kasoo baxay booliiska ayaa lagu sheegay in burcadan marar badan dhac ka geesteen xaafado kuyaala magaalada Adis Ababa iyaga oo ku qaraaban jiray dareeska ciidanka booliiska, waxa ayna booliiska sheegeen in burcadan mudo baadi goob loogu jiray.

Magaalada Adis Ababa ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca dilalka iyo dhac ay geestaan kooxo burcada ah, waxaana booliiska marar badan ku guul dareesteen wax ka qabashada burcadaasi hubeesan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -