Wararkii Ugu Dambeeyay Cod u qaadiska Xeerka Matalaada G/Banaadir iyo Cabsi laga qabo in …

Waxaa maanta xarunta Villa Hargeysa oo si KMG ah ugu shiraan xildhibaanada golaha shacabka lagu wadaa in ay ku yeeshaan kulan xasaasi ah oo la filayo in cod loogu qaado xeerka matalaada gobolka Banaadir ee aqalka sare.

Xildhibaanada golaha shacabka ayaa kulamadii ugu dabeeyay doodo adag ka yeeshay matalaada gobolka Banaadir ee aqalka sare kadib mooshin ay gudoonka Baarlmaanka u gudbiyeen 130-Xildhibaan.

Sida aan wararka ku heleyno Xildhibanaada beesha Hawiye ayaa horboodaya in gobolka Banaadir laga siiyo 13-kursi aqalka sare, waxa ayna Xildhibaanadan olole xoogan ugu jireen maalmihii iyo saacadihii lasoo dhaafay sidii loo meel marin lahaa xeerkan.

Xildhibaano badan oo kasoo jeeda qaar kamid ah maamulada dalka ka jira ayaa kasoo horjeeda in gobolka Banaadir laga siiyo aqalka sare matalaalad ka mug weyn kuwa ay heestaan maamul goboleedyada kale.

Waxaa laga cabsi qabaa in Xildhibaanada kasoo horjeeda in gobolka Banaadir matalaad ku yeelato aqalka sare in foodo ka sameeyaan kulanka golaha shacabka oo maanta la filayo in cod loo qaado matalaada gobolka Banaadir.

Xildhibaanada taageersan in aqalka sare matalaaad mug weyn ku yeesho gobolka Banaadir iyo kuwa kasoo horjeeda ayaa xalay kulamo ka waday hoteelada kuwaa oo qal qaalo kala duwan ugu jiray meel marinta iyo diidmada mooshinkan Baarlamaanka horyaala.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -