Allbanaadir.com
NEWS

Xaliimo Yarey oo maanta hortageysa Baarlamaanka iyo waxyaabaha laga filan karo in ay shaaciso

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaran Xaliimo Ismaaciil (Xaliima Yarey) ayaa maanta lagu wadaa in ay hortagto xildhibaamada Golaha shacabka sidii horey loo qorsheeyay.

Xaliimo Yareey ayaana maanta Baarlamaanka hortiisa laga sugayaa in ay ka cadeyso nuuca doorasho ee dalka ka dhaceysa iyo waliba xiliga la qabanayo doorashada, xili shaki la galinayo in doorashada dalka dhacdo waqtigii horey loo qorsheeyay.

Xildhibaanada Golaha shacabka ayaana Xaliimo yarey ka dhgeesan doona warbixinteeda la xiiira doorashada dalka ka dhaceysa, waxaana Xaliimo Yarey laga dhoorayaa in ay shaaciso in dalka ka dhaceyso doorasho qof iyo cod ah ama doorasho kale oo dadban.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in suurto gal tahay in Xaliimo Yarey codsato in waqti dheeraad ah la siiyo si ay usoo diyaariyaan dooarshada dhaceysa , iyadoona taasi culees u keenayo shaqadeeda iyo in ay mar kale kasoo baxdo waajibaadkii loo igmaday.

Doorashada qof iyo cod oo marar badan ku celiyay Madaxweynaha Soomaaliya in ay dhaceyso ayaa muuqaneysa in aysan xiligan suurto gal aheyn, lamana oga in guddiga doorashooyinka Qaranka aragtidaasi la qabaan Madaxweynaha.

Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa hadii ay codsadaan in waqti dheeraad ah la siiyo waxa ay taasi cadeeyn u noqon doontaa in doorashada dalka aysan ku dhici doonin xiligeeda mudo kororsi dadbana ay jiri doonto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa ka soo baxay wadahadal Ruushka & Ukraine ku yeesheen Turkiga? (Sawirro)

Caydiid Ali

(Sawirro) Somaliland oo War ka soo saartay kulankii dhexmaray Farmaajo & Muuse Biixi

Caydiid Ali

Isku shaandheyn lagu sameeyey Taliyeyaasha qeybaha Booliska Muqdisho qaarkood (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---