Sanad kadib, R/W Khayre maku guuleystay Qorshihii dhismaha Galmudug Loo Dhanyahay?

June 24, 2019, ayuu Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ka degay Garoonka Ugaas Nuur ee magaalada Dhuusamareeb, xilli ay jireen kala qaybsanaan xilli dheer soo jiitameysay oo la degtay hannaankii maamul, amni, dhaqaale iyo bulsho ee deegaannada dowlad gobaleedka Galmudug.

Xasan Cali Khayre oo ay Dhuusamareeb uga sii horreeyeen wasiirka arrimaha gudaha iyo qaar kamid ah xildhibaannada federaalka ku metela Galmudug, waxaa maalintaas u billaawday geeddi socodka dib-u-dhiska Galmudug loo dhanyahay.

Xasan Cali Khayre waxuu socdaal ku maray inta badan deegaannada xorta ah ee Galmudug, si dhammaan bulshada uu ugu qanciyo ujeedada socdaalkiisa, waxuuna ugu dambeyn sal dhigtay Dhuusamareeb oo uu ku sugnaa bil iyo bar, waxuuna ku noqday marar kale si looga dhabeeyo dib-u-yagleelidda Galmdugu dhammeys ah.

Sanad kadib, maxaa kasoo naasa caddaaday qorshihii Khayre?

Maamulka iyo Dowlad Wanaagga

Galmudug oo horay ugu caan baxday kala qaybsanaan joogta ah, maanta waxay leedahay maamul dhammeystiran oo la saasaalinayo inuu horseedo hannaan ay Galmudug ku noqoto hoggaan dowlad gobaleedyada kale ee dalka.

Horumarka Amniga

Waxaa si xooggan loo dhisay qaybta 21-aad ee ciidanka xoogga dalka ee saldhiggoodu yahay Galmudug, waxayna ku guuleysteen adkeyta amniga deegaannada xorta ah ee Galmudug. Wali waxaa lagu wadaa dhismo, waxaana ciidamo badan uu tababar uga socdaa xerada Har-qaboobe ee Gurigeel, waxaana meel gebageba ah maraya qorshaha xoreynta deegaannada Galmudug ee xilliga dheer Al-shabaab ay ka talinayeen. Ciidamada Xoogga oo kaashanaya nabad-sugidda ayaa ku guuleystay inay soo af-jaraan dagaal beeleedyo siyaabo kala duwan uga dhacay deegaano badan oo ka tirsan Galmudug.

Wasaaradda amniga gudaha Galmudug ayaa ku guuleysatay qarameynta maleeshiyaad ku sugnaa qaybo kamid ah Galmdug, waxaana yaraaday isku dhacyadii bulshada dhexdeeda ah.

Dhismaha Kaabayaasha Dhaqaalaha

Waxaa si xawaare leh ku billaawday yadadiilo laga qabo in la dhiso Dekadda Hobyo oo noqoneynsa isha dhaqaale ee ugu weyn Galmudug, waxaana ganacsatada, siyaasiyiinta iyo dhaqanka deegaanka oo isugu tegay degmada Hobyo ay yabooheen $90 Milyan oo dekadda lagu dhisayo.

Dib-u-heshiisiinta

Deegaannada Xeraale iyo Huurshe oo sannado badan ay ka taagneyd colaad dhiig badan ku daatay, ayaa maanta waxay ku naaloonnayaan nabad, deganaan, horumar iyo niyad wanaag ka dhashay dadaalkii Ra’iisul Wasaare Khayre.

Guulihii ugu weynaa ee la xaqiijiyay

June 24, 2019, Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa gaaray Dhuusamareeb, June 27, 2019, Madaxweyne Xaaf ayaa ogolaaday in DFS ay hoggaamiso qorshaha dhismaha Galmudug, July 01, 2019, Ahlusunna ayaa ogolaatay in Dhuusamareeb laga howl geliyo laamaha Amniga dalka, sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa Gogosha dib-u-heshiisiinta dhigay Dhuusamareeb

July 04, 2019, Waxaa la billaabay qarameynta Ciidankii Ahlusunna, July 06, 2019, Ganacsatada Reer Galmudug ayaa ku biiray dhismaha Galmudug Loo Dhanyahay, July 16, 2019, laamaha amniga DFS ayaa lagu wareegay amniga Dhuusamareeb, July 17, 2019, waxaa la magacaabay Guddiga Qaban-Qaabada Shir-Weynaha Dib-U-Heshiisiinta Galmudug, Agoosto 2019, waxaa la saxiixay heshiiska dhismaha dekadda Hobyo, September 5, 2019, Waxaa la heshiisiiyay Reer Huurshe Iyo Reer Xeraale, September 06, 2019, Ra’iisul Wasaaraha ayaa Dhuusamareeb ka furay shirweynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug, September 17, 2019, Madaxweyne Farmaajo ayaa soo xiray shirka oo ay ka qeyb galeen 700 oo ergo oo ka kooban reer Galmudug

October 09, 2019, Guddiga Farsmada Maamul Dhisidda Galmudug ayaa la mgacaabay, January 10, 2020 waxaa la shaaciyay liiska xildhibaannada Baarlamaanka Galmudug, January 17, 2020, Baarlamaanka Galmadug ayaa yeeshay Guddoon Baarlamaan, February 02, 2020: Baarlamaanka Galmudug ayaa doortay Madaxweyne iyo ku-xigeen

Gebagebo:

Dadka falanqeeya arrimaha la xariira dib-u-kabashada iyo dib-u-dhiska hannaan dowladnimo ee burburay, waxay ku doodayaan in dhabar adeygga Xasan Cali Khayre uu sababay guulaha wax ku oolka ah ee laga gaaray dib-u-dhiska Galmudug loo dhanyahay mudda sannnad gudaheed ah oo aan aheyn mid horay loo saadaalinayay.

Xeedheerayaasha ayaa sidoo kale ku andacoonaya in marka laga cabbir qaato xaawaraha lasoo jaray sannadka gudihiisanaha la saasaalin karo in Galmdug ay si fududud ku gaari karto himililooyinka la hiigsanayo Ra’iisul Wasaaraha dalkuna uu taariikhda dalka uu ka galay baal dahab ah oo waligiis lagu xasuuntaan doono maadaama uu ku guuleystay markii ugu horreysay dhidibba u taagidda Galmudug loo dhanyahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -