Deni iyo Qoor-qoor oo kulankoodii ugu horeeyey maanta ku yeelanaya Gaalkacyo

Madaxda Dowlad goboleedyada Puntland & Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo  Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta lagu wadaa iney kulan ku yeeshaan Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Madaxweyne Deni oo ka soo duulay Boosaaso ayaa shalay gaaray magaalada Gaalkacyo, halka Qoor-qoor oo maalmahan ku sugnaa Cadaado uu isna xalay safar dhulka ah ku tagay isla magaalada Gaalkacyo.

Kulankan ayey maalmihii la soo dhaafay qaban-qaabadiisu ka socoay Gaalkacyo oo laga hadal hayay, waxayna ka wada hadli doonaan arrimo muhiim ah oo ku saabsan xiriirka labada maamul, amniga magaalada Gaalkacyo, wax ka qabashada colaad beeleedyo ku soo laalaabtay degaano ka tirsan gobolka Mudug iyo qodobo kale.

Kulankan ayaa ku soo aadaya xili uusan fiiceyn xiriirka Puntland iyo DF, halka dhinaca kale maamulka Galmudug uu si weyn ugu dhow yahay dowlada dhexe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -