Allbanaadir.com
NEWS

Wasiiro iyo Masuuliyiin kale oo kamid noqday BF oo qaatay Shahaadada Xildhibaanimo

Xarunta guddiga doorashada heer federaal ayaa maanta waxaa ka jira mashquul badan, waxaana halkaasi tagay xildhibaano aad u badan oo saf dheer ugu jira qaadashada shahaadada Xildhibaanimo.

Xildhibaanada maanta qaatay shahaadada ayaa waxaa ku jira Wasiiro katirsan xukuumadda Soomaaliya iyo masuuliyiin kale, kuwaa oo kamid ahaa xildhibaanadii horey u diidanaa in shahaadada qaataan.

Xubnaha shahaadada qaatay goordhaw waxaa kamid ah Guddoomiye kuxigeenka labaad ee gollaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad, Wasiirka gargaarka musiibooyinka Khadiijo Diiriye iyo masuuliyiin kale oo katirsan dowladda.

Xildhibaanada Koonfur Galbeed laga soo doortay ayaa sidoo kale qaarkood qaateen shahaadada halka kuwa kalana safaf ugu jiraan in isla maanta qaataan shahaadada iyo ID-Cardka xildhibaanimo.

Xildhibaanada qaatay shahaadada ayaa sidoo kale aaday hoolka ku yaala xerada Afisiyooni halkaasi ka dhaceyso munaasabadda maanta lagu dhaarinayo xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka federaalka.

 

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Booliiska Caalamiga oo howlgal kula wareegay xarumo ay leedahay Shirkad Internet

Cabdi Cade

Xubinnimada EAC waxay Somalia  iyo gobolkaba u  horseedi doontaa waa cusub

Caydiid Ali

Dowladda Somalia oo baabi’isay Imtixaankii dugsiyada Sare ee ka socday dalka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---