Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasiirad Fowsiya oo sheegtay in dalka laga helay kiisas cusub oo COVID-19 ah

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa warbixinta maalinlaha ah ee COVID19 ku sheegtay inay Feyruska Karoona ay ka bogsoodeen 31 qof oo cusub,  taasi oo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysa ku dhawaad 868.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in la diiwaan geliyay 18 xaalado cusub oo COVID-19 ah, oo kala jooga Gobolka Benaadir 11, Somaliland 6, iyo Koonfur Galbeed 1 qof, taas oo tirada guud ee xaaladaha dalka laga diiwaan geliyay ka dhigeysa 2,878.

Bukaannada cusub 16 ka mid ah waa rag 2-na waa dumar, 24-kii saac ee ugu dambeeyay ma jirn bukaan u geeriyooday COVID19, waxaana tirada guud dadka u dhintay cudurka ay gaareysaa 90 qof.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa bulshada ugu baaqday in lagu dadaalo kahor tagga cudurka si loo yareeyo saameynta uu bulshada ku yeelanayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Heshiiski ku biirista Soomaaliya ee Ururka bariga Afrika EAC oo su’aalo laga keenay

Caydiid Ali

Duqa Magaalada Muqdisho oo dhagax dhigay dhismaha laami cusub (Sawirro)

Caydiid Ali

Milatariga Soomaaliya oo gacanta ku dhigay shidaal loo waday Al Shabaab (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---