Madaxweyne Farmaajo & wafdigiisa oo ka soo laabtay booqashadii Magaalada Sochi

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdiga heer Qaran ee kala qeyb galay Madasha Iskaashiga Afrika iyo Ruushka oo ku qabsoomtay magaalada Sochi ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Madaxweynaha ayaa intii uu shirku socday waxa uu la wadaagay Hoggaanka dalka Ruushka ee marti-gelinayey Madasha, Madaxda Afrika iyo Maalgashadeyaasha Caalamiga ah ee ka soo qeyb galay guulaha la taaban karo ee Dowladda iyo Shacabka Soomaaliya ay ku tallaabsadeen muddadii la soo dhaafay iyo qorshayaasha ay muhiimka tahay in walaalaha Qaaradda Afrika ay kala shaqeeyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya, si ay qeyb xooggan uga noqdaan dadaallada dib-u-kabashada dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xasuusiyey hoggaamiyeyaasha goob joogga ku ahaa Madasha Sochi muhiimadda ay leedahay iskaashiga iyo isu furfurnaanta maalgashi, maadaama hayaan hor u socod iyo horumar ah ay ku tallaabsadeen inta badan dalalka Qaaradda Afrika, taas oo xoojinaysa isku duubnida iyo in la ixtaraamo dal kasta madax-bannaanidiisa iyo karaamada shucuubta Qaaradda.

Madaxweynaha ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in ay si buuxda u hirgalaan qodobbada iskaashi ee ka soo baxay war-muriyeedka Madasha Dhaqaale ee Sochi, isagoona soo bandhigay sida shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ay ugu diyaarsan yihiin ka faaiideysiga fursadaha maalgashi iyo horumarineed ee lagu jaangooyey Madashaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -