Allbanaadir.com
NEWS

Sacuudiga oo waqti kama dambeys ah u qabtay ajaaniibta Cumrada u joogta

Boqortooyada Sacuudiga, ayaa waqti kama dambeys ah u qabatay ajaaniibta dalkaasi u tagtay in ay soo cumreestaan, xilli la guda galayo u diyaargarowga soo dhaweynta muslimiinta sannadkan gudaneysa waajibaadka xajka.

War kasoo baxay Wasaaradda Xajka iyo Cumrada ee Boqortooyada Sacuudiga, ayaa 1-da Dul Qacda, oo ku beegan bishan April 29-keeda, ku amartay cid kasto oo Sacuudiga gaar ahaan dhulka Barakeysan Cumro u joogtay in ay uga baxdo.

Wasaaradda Xajka , ayaa sidoo kale sheegtay in 13-ka bisha April waxii ka dambeeya aan la ogolaan doonin in Sacuudiga yimaado qof Cumra u socda, waxa ayna xustay in amarkan loo soosaaray sidii loogu diyaargaroobi lahaa soo dhaweynta martida Xajka ee sannadkan.

Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudiga, ayaana lagu caddeeyay cidii mudada loo qabtay aan uga bixin Sacuudiga kuna xadgudubta shuruudaha u yaalla in la qaban doono, sidoo kale la marsiin doono ciqaab adag  .

Sacuudiga, ayaa sidoo kale si KMG ah u hakisay in 14-dal oo kuyaalla dalalka Afrika iyo Aasiya la siiyo viisada Cumrada, waxaana muwaadiniinta dalalkaasi u dhashay lagu eedeeyay in ay Sacuudiga iska sii joogaan marka ay cumreestaan , kaddib si ay xajka viiso la’aan u xajiyaan.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaanada Gollaha Shacabka oo beri kulmaya iyo Ajandaha kulanka oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Ahlam Al-Bashiir oo ka hadashay sida ay u fulisay qaraxii Istanbul & cida soo tababartay (Sawirro)

Caydiid Ali

Dabkii Los angeles oo sii fidaya & dhimashada oo sii kordheysa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---