Allbanaadir.com
NEWS

Cutubyo katirsan Ciidamada PMPF oo maanta tababar loo soo xiray (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari tababar ugu soo xiray cutubyo ka tirsan ciidamada Badda Puntland ee PMPF.

Ciidamada tababarka loo soo xiray oo lasoo laylinayey muddo 5 bilood ah, waxay noqonayaan dufcaddii 10-aad ee ka baxda Xerada Tababarka Ciidamada Badda Puntland ee dhacda duleedka galbeed ee magaalada Boosaaso.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa ku amaanay ciidamada tababarka loo soo xiray dadaalka iyo waqtigii ay u horeen mudada tababarka u socday, waxa uuna ciidamadan kula dar daarmay in ay kasoo baxaan waajibaadka qaran ee saaran.

Ciidamada Badda Puntland ee PMPF ayaa ah ciidamo si gaar ah u tababaran oo leeyahay maamulka Puntland, ciidamadan ayaana ka qeyb qaata dagaalada Maamulka Puntland kula jira Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xukun Dil ah oo saakay lagu fuliyay Saddex nin oo dilal kala duwan geestay

Cabdi Cade

Madaxweyne Caan ah oo Madaxiisa la dul dhigay lacag gaareysa 15 milyan oo doolar 

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Rooble oo Arin Muhiim ah kala hadlay Lu’ay Shabaana (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---