Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Rooble oo Arin Muhiim ah kala hadlay Lu’ay Shabaana (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Agaasime Goboleedka dalalka Carabta ee UNFPA Lu’ay Shabaana.
Rooble iyo Igaasime goboleedka UNFPA ayaa kulan gaar ah ay yeesheen waxa ay uga wada hadleen dadaalada dowladda Soomaaliya ee sameynta tirakoob dadweyne ka hor doorashada sanada 2025.
 
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in DFS ay ka go’an tahay hirgalinta tirkoobka isagoo ku dhiirigaliyay Hay’adda Istaatiistikada Qaranka in ay hormuud u noqoto xaqiijnta hadafkaas muhiimka u ah horumarka qaranka.
Soomaaliya ayaan lagu sameyn tirakoob rasmi ah, waxaana inta badan tirada dadka Soomaaliyeed ee kunool dalka iyo dibadiisa kaliya lagu sameeyaa qiyaas aan sax aheyn, mana jirto ilaa hada dowlad isku taagtay in tirakoob rasmi ah la sameeyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

SSC oo dooratay hogaan cusub iyo Axmed Karaash oo war ka soo saaray (Sawirro)

Caydiid Ali

Al-Shabaab oo sheegatay qaraxyadii maanta ka dhacay wadada Maka Al-Mukarama

Caydiid Ali

Somalia oo gaartay Finalka tartanka K/Cagta bariga iyo bartamaha Afrika

Caydiid Ali
Taboola Ads ---