Ciidamada Danab oo degaano cusub kala wareegay Al-Shabaab (Sawirro)

Ciidamada Kumandoska Xoogga Dalka ee Danab ayaa sheegay iney Al-shabaab ka saareen degaano ka tirsan gobolka Jubadda Hoose, ka dib howlgal qorsheysan oo ciidamadda Kumaandoska Danab ka sameeyeen degaano hoos yimaada degmooyinka Kismaayo iyo Jamaame.

Saraakiisha ciidanka Danab ayaa intaas ku daray in howlgalkan ay kula wareegeen  tuulooyinka Xawaaljiri, Bernasey, Yaaq-bishaar iyo Cusbo, ayna  gebi ahaan cagta la mariyeen xarumo Alshabaab ay ku lahaayeen tuulooyinkaas.

Deegaanada ciidanka danab la wareegeen ayaa shacabka ku dhaqan waxey dhibaatooyin kala duwan kala kulmi jireen maleeshiyaadka Al-shabaab sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada.

Taliyaha Ururka 5-aad guutada 16-aad kumaandooska Danab ee Xoogga dalka G/lle Xasan Aadan Ciraaqi ayaa xusay in howlgalkan lagu dilay 6 ka tirsan Al-shabaab, isagoo tilmaamay intii ay howlgalka ku guda jireen inay la kulmeen dad ay dhibaateeyeen Al-shabaab kuwaasoo ay siiyeen cunto biyo & daawo sida uu yiri.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -