Saddex caruur mataano ah oo laga helay cudurka dilaaga ah ee Coronavirus

Saddex caruur mataano ah oo ku dhashay Isbitaal ku yaalla dalka Mexico ayaa laga helay cudurka Coronaviris kaddib markii baaritaan lagu sameeyay.

Waxay arrintani noqotay mid aan horey loo arag, iyadoo khubaro caafimaad ay baarayaan, in cudurka uu u gudbi karo uur ku jirta hooyada inta ay uurka leedahay.

Gabar iyo wiil ka mid ah caruurtan ayay xaaladdoodu wanaagsan tahay, iyadoo lagu hayo Isbitaal ku yaalla magaalada San Luis Potosí hase ahaatee wiilka labaad ayaa la siinayaa daawooyin la siiyo dadka uu xannuunka hayo.

Afhayeen u hadlay guddiga qaabilsan arrimaha Caafimaadka ee gobolka, ayaa sheegay, in dunida aanan laga helin arrinta ku saabsan carruur mataano ah oo la qaadsiiyay cudurka isla markaana kiiskan la baarayo.

Tiro carruur oo aad u yar, ayaa la ogaaday in ay qaadeen feyraska, kadib markii ay dhasheen, balse saraakiisha caafimaadka ayaa sheegaya in dhacdadan ay tahay mid mucjiso ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -