Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dowlada Denmark oo ansixisay sharci cusub oo ka dhan ah soo galootiga

Baarlamaanka dalka Denmark ayaa ansixiyey sharci cusub oo dhigaya in Jasiirad Shaybaar u ahayd Doofaarka loo bedelo xarun lagu hayo Muhaajiriinta dembiyadda gala iyo kuwa diidan in  dib loogu celiyo dalkooda.

Sharcigan waxa uu Muhaajiriinta uga digaya in loo gudbin doono Jesiiradda  Lindholom, haddii ay Dembi ku galaan gudaha dalka Denmark ama ay diidaan in  loo masaafuriyo dalkooda Hooyo.

Isbedelka Sharciga cusub ee Qaxootiga ee dalkaasi waxaa muddo dheer u ololeynayey Xisbiga Dadka Danishka ee (DF), waxayna soo dhaweeyeen Sharciga Cusub ee fasaxaya in Muhaajiriinta dembiyadda gala iyo kuwa diidan in dalkooda lagu celiyo lagu hayo Jesiiradda  Lindholom halkaasoo ay noloshooda ku qaadan doonaan inta ka dhiman.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamo gadoodsan oo xirtay laami ku dhaw Taliska Ciidanka Nabad Sugida Soomaaliya

Cabdi Cade

Agaasime Dhuxulow oo talaabadii u horeysay qaaday (Sawirro)

Caydiid Ali

Iran oo argagax ka qaaday waxa ka socda Waqooyiga Suuriya iyo Araghchi oo Turkiga tagaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---