Xildhibaan Aadan Keynaan oo xil sare ka qabtay Xisbiga talada Kenya haya

Waxaa xil ka qaadis lagu sameeyay Hoggaamiyaha Aqlabiyada Baarlamaanka dalka Kenya Aadan Barre Ducaale, kadib kulan xasaasi ah oo ay yeesheen xisbiga talada dalka Kenya haya ee Jubalee.

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa shir gudoominayay kulanka ay yeesheen xisbiga talada Kenya haya ee maanta xilka Hogaamiyaha aqlabiyada Baarlamaanka Kenya looga xayuubiyay Xildhibaan Aadan Barre.

Hoggaamiyaha cusub ee Aqlabiyada Baarlamaanka dalka Kenya ayaa loo doortay Amos Kimunya, waxaa sidoo kale Aadan Keynaan oo kasoo jeeda gobolka Waqooyi bari Kenya loo doortay Xoghayaha Guud ee isbaheysiga xisbiga talada Kenya haya.

Xildhibaan Aadan Keynaan ayaa laga soo doortay magaalada Wajeer ee gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya, waxa uuna hada noqonayaa ninka ugu sareeya ee Xisbiga Jubilee ku matalaya Soomaalida Kenya.

Aadan Barre Ducaale ayaa mudo 7-sano ah hayay xilka hogaamiyaha aqlabiyada Baarlamaanka  Kenya , waxaana xil ka qaadistiisa timid isbadalo lagu sameeyay xisbiga talada dalka haya kadib markii ay kala tageen Madaxweyne Uhuru iyo kuxigeenkiisa.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -