Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Farmaajo oo saakay kulan la yeelanaya Xildhibaano iyo Wasiiro kasoo jeeda ….

Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa saakay xarunta Madaxtooyada kulan gaar ah kula qaadanaya Wasiirada iyo Xildhibaanada labada aqal ee kasoo jeeda Gobolada Waqooyi ee Soomaaliya.

Sida aan wararka ku helnay Xildhibaanada labada aqal iyo Wasiirada kasoo jeeda deegaanada maamulka Somaliland ayaa xalay loo diray fariimo Madaxtooyada lagu casuumayo si ay Madaxweynaha kulan ula qaataan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Xildhibaanada iyo Wasiirada kasoo jeeda Gobolada Waqooyi uga warbixin doona wadahadaladii ka dhacay dalka Jabuuti ee yeesheen Madaxda dowlada federaalka iyo kuwa maamulka Somaliland.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa wada dadaalo ay kusoo jiidaneyso xildhibaanada labada aqal kasoo jeeda Somaliland oo mar kale laga yaabo in lasoo doorto, waxaana codka Xildhibaanada Waqooyi noqdeen kuwa madaxda joogta ku xisaabtamaan.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo:-Madaxda Jubbaland iyo Puntland oo war xasaasi ah ka soo saaray shirarkii Garoowe War- Murtiyeed kadib !!

admin

Shir looga hadlay qodob muhiim ah oo ka dhacay Madaxtooyada Somalia (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Deni oo war kasoo saaray Doorashada Axmed Madoobe

Cabdi Cade
Taboola Ads ---