Allbanaadir.com
NEWS

Galmudug oo iska diiday Qorshe ay wateen maamul goboleedyada kale ee dalka ka jira 

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) uu kahor yimid qorshe ay maamul goboleedyada kale ula yimaadeen.

Madaxda maamul goboleedyada ayaa labadii maalin ee lasoo dhaafay xiriir dhinaca telfoonka uga wada hadlayay sidii ay wadajir uga hor imaan lahaayeen afar xeer oo Guddiga wadajirka ee dhameystirka Xeerarka doorashooyinka u gudbiyay Baarlamaanka.

Sida aan wararka ku helnay Madaxweynaha Galmudug ayaa uga cudur daartay Madaxda kale ee maamulada in uusan qeyb ka noqon karin war saxaafadeedka ay uga hor jeesanayaan xeerarkan Baarlamaanka loo gudbiyay.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa madaxdii lasoo xiriirtay u sheegay in xili adag oo shaqo bilow u tahay uu ku jiro, waxa uuna cadeeyay in uusan xiligan gali karin xiisad siyaasadeed iyo in uu ka hor yimaado danaha dowlada Dhaxe uu xiriir wanaagsan la leeyahay madaxdeeda.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug oo la rumeesan yahay in uu daacad u yahay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa horey uga gaabsaday baaqii uu soo saaray Gudoomiyaha Aqalka sare oo inta badan soo dhaweeyeen madaxda maamul goboleedyada.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Saameynta biyo-xireenka ay dhistay Ethiopia oo aan noqon sidii la filayey

Cabdi Cade

Dowladii labaad ee ka tirsan Yurub oo qorsheyneysa iney qaxootiga geyso Rwanda

Caydiid Ali

Xisbiyada dalka yeelanayo oo la kordhiyay iyo cidda R/W magacaabeysa xilkana ka qaadeysa oo…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---