Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Hay’adda WHO oo digniin cusub ka soo saartay xaaladda cudurka COVID-19

Hay’adda Caafimaadka adduunka (WHO) ayaa ka digtay in la debciyo xayiraadaha ay dalalka soo rogeen cudurka Coronavirus awgeed, isagoo sheegay in cudurka uu hadda galay xaalad khatar ah.

Digniinta WHO ayaa ku soo beegmaysa xilli dalal ay ka mid tahay Britain ay hoos u dhigeen heerka khatarta cudurka, isla markaana ay dowladuhu qaadeen xayiraado badan oo dalalkooda saarnaa.

Madaxa hay’adda Caafimaadka adduunka (WHO) Dr. Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa sheegay in Khamiistii uu keliya ay WHO diiwaangelisay in ka badan 150,000 oo kiis oo cudurka ah, taasoo ah tiradii ugu badneyd ee la shaaciyay maalin kaliya.

Waxa uu intaa raaciyay inuu dareensan yahay dhibaatada ay xayiraadaha ku hayaan bulshada iyo dhaqaalaha, balse waxa uu ku baaqay in dalalka ay muujiyaan taxadar dheeraad ah.

“COVID-19 weli si xawli ah ayuu u faafayaa, waana mid dilaa ah oo dad badan ku dhici kara. Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan dalalka caalamka iyo shacabkaba inay muujiyaan taxadar dheeraad ah, ayna joogteeyaan kala fogaanshaha, in guryaha ay joogaan dadka xanuunka qaba, la daboolo afka iyo sanka marka la qufacayo, maaskaraha la xirto marka ku haboon, iyo in gacmaha la dhaqo,” ayuu yiri Dr Tedros.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Gabar uu dhalay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Itoobiya oo xabsiga la dhigay

Caydiid Ali

(Sawirro) Ku dhowaad 100 qof oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday qarax ka dhacay..

Caydiid Ali

Kooxda Taalibaan iyo Dowladda Ruushka oo heshiis cusub oo kala saxiixday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---