Burundi oo Madaxweyne cusub loo dhaariyey ka dib geeridii Nkurunziza (Sawirro)

Madaxweynaha cusub ee dhawaan la doortay ee dalka Burundi, Evariste Ndayishimiye ayaa maanta loo dhaariyay xilka madaxtinimada ee dalkaas, waxaana lagu waday Evariste Ndayishimiye in uu xilka la wareego bisha Agosto kaddib geeridii ku timid madaxweynihii hayay talada Pierre Nkurunziza.

Sida ay ku warrantay wakalaadda wararka ee AFP. Dadkii ka qeybgalayay munaasabadda caleemo saarka ayaa laga codsaday inay tegaan goobta xilli hore si loo qaado tallaabooyinka looga hortaggayo feyraska Korona sida gacmo dhaqa.

Ninka haatan xilka loo dhiibay Evariste Ndayishimiye waxaa uu taageero ka helay Nkurunziza, waxaana la shaaciyay in uu ku guuleystay doorashadii bishii May ka dhacday dalkaas, taas oo ay mucaaradku sheegeen in lagu shubtay.

Waxay arrintani imaaneysaa xilli toddobaadkii hore uu geeriyooday madaxweynihii Burundi Nkurunziza kaddib markii uu wadnaha istaagay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -