Ruushka oo soo bandhigaya Taangi noociisa aan horey loo arag & hub kale oo casri ah (Daawo Sawirro)

Dowlada Ruushka ayaa soo bandhigeysa maalinta beri ah hub kala duwan iyo dayuurado casri ah oo dalkaas lagu farsameeyey, waxaana ka mid ah taangi yaab leh oo noociisa aan horey loo arag

Jariirada Gazeta.ru ayaa ku warantay in taangiyada Uran-9 ay aqoonsan karaan bartilmaameedka balse go’aanka ah in la rido uu gaaro abaanduule fadhiya meel u jirta 3 kiilo mitir.

Qalabka kale ee loo yaqaano Uran-6 robot-sapper ayaa waxaa loo isticmaalay dalka Suuriya in miinooyiinka looga saaro goobaha halista ah sida magaalooyiinka Palmyra, Xalab iyo Deir al-Zour.

Qalabka Uran-6 ayaa sidoo kale loo isticmaalaa iney miinooyiinka ay qarxiyaan iyaga oo masaafo dheer u jira.

Ruushka ayaa qorshaynaya inay soo bandhigaan diyaarado nooca aan duuliyaha lahayn oo lagu magacaabo Korsar, kuwaasoo loo isticmaali karo weerarada gantaalada iyo in saanada lagu qaado, iyagoo duuli kara ilaa 10 sacadood.

Waxaa sidoo kale ay Ruushka barito soo bandhigi doonaan diyaarado nooca dagaalka sida kuwa wax duqeeya iyo Helikobtarada.

Markii ugu horreysay diyaarada dagaal ee nooca loo yaqano MiG-31 la soo bandhigi doona waxaana ku rikaban gantaalada lidka maraakiibta , waxaana loogu talagalay in ay burburiyaan maraakiibta xambaara diyaaradaha.

Ruushka ayaa sidoo kale qorshaynaya in uu soo bandhigo diyaarada nooca cusub ee loo yaqaano Su-57 waxa ayna ka mid ahayd hubkii lagu tijaabiyay Suuriya.

Markii ugu horreysay waxaa la soo bandhigi doonaa taangi yar oo ay saaran yihiin laba nin, waa mid ay sameeyeen Ruushka oo u eg mootada, laguna rakibi karo qoryaha darandooriga u dhaca.

Gaariga AM-1 waxaa loogu talagalay inay isticmaalaan ciidamada lugta iyo ciidamada gaarka ah ee fulinaya howlada gaarka ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -