Ciidamada Xoogga dalka oo Al-Shabaab kala wareegay degaano Muhiim ah (Sawirro)

Ciidamada Xoogga Dalka iyo Nabadsugidda Qaranka ayaa Howlgal qorsheysan ku gaaray Deegaanka War-xoolo oo ka tirsan degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud kana mid ah Deegaanada ay Al-shabaab

Xoogagii Al-Shabaab ee degaankaas ku sugnaa ayaa ka baxay ka dib markii ay war ka heleen ciidamada DF ee halkaas ku wajahnaa, iyagoo aaday dhanka degaanka Wabxo oo dhowr iyo toban km u jira Deegaanka War-xoolo.

Ciidanka dowlada ayaa la sheegay iney ka dajiyeen Degaankan Calanka Alshabaab iyo Astaamo kale ay laheyd kooxdaas, iyagoo goob fagaare ah ku gubey .

Taliyaha Guutada 15-aad ee Qaybta 21-aad Sareeye Guuto: Mascuud Maxamed Warsame iyo saraakiisha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida oo Bulshada Deegaanka War-xoolo kula hadley goob fagaare ah ayaa muujiyay in la joogo waqti Al-shabaab aysan awoodi karin in ay isku dhigaan Awooda Ciidanka qalabka sida, isagoo ugu baaqay iney la shaqeeyaan ciidamada xoogga dalka.

Dhinaca kale. Saraakiil ka tirsan qeybta 27-aad ee ciidamada Xoogga dalka oo la hadlay warbaahinta ayaa  sheegay inay la wareegeen deegaanka Luuq-Jeelow oo 25 u jira magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi.

Ciidamada DF ayaa sidoo kale howgalo miino Baaris ah ka sameeyey degaanka, waxayna fariisimo ka sameysteen wadooyinka laga soo galo, waxayna sii daayeen maxaabiis Al-shabaab ugu xirneyd xabsiga degaanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -