Golaha ammaanka ee QM oo maanta soo afjaraya loolanka adag ee Jabuuti & Kenya

Loolanka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya dowladaha Kenya iyo Jabuuti ee kursiga Afrika ee Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ayaa lasoo gabagabeynayaa, iyadoo natiijada ka soo baxda ay saameyn ku yeelan doontaa geeska Afrika.

Kenya ayaa doonaysa inay badasho dalka South Africa oo loo doorto kursiga gobolka ee golaha amaanka ee QM laakiin doonisteeda waxaa ku heysta Jabuuti oo iyana dooneysa iney kursigaas hesho.

Kadib markii ay taageero ka heshay aqlabiyada xubnaha ka socda Midowga Afrika sanadkii 2019 ayaa Kenya waxay fileysaa inay ku guulaysato kursiga Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay.

Laga soo bilaabo 2007-dii, Midowga Afrika wuxuu adeegsadaa hab wareeg ah, iyadoo gobol kasta uu helayo wareegiisa.

Jabuuti iyo Kenya ciddii ku guuleysata kursiga waxay ku biiri doontaa Mexico, India, iyo Canada, Ireland iyo Norway oo noqon doona xubanaha joogtada ee golaha amaanka ee QM.

Xoghayaha guud ee ururka iskaashiga Islaamka ee OIC ayaa ku booriyay dowladaha xubnaha ka ah inay u istaagaan taageerada Djibouti musharraxnimadooda xubinnimada Golaha Amniga ee UN-ka, waxaana codeynta maanta ay tijaabo u noqon doontaa taageerada ay Jabuuti ku leedahay Qaramada Midoobay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -