Taliska Booliska Somalia oo ka hadlay dil fool xun oo shalay ka dhacay Muqdisho

Saraakiisha Booliska Soomaaliya ayaa War ka soo saaray dil Askari ka tirsan ciidanka dowlada uu shalay u geystay Nin Odey ahaa oo ka dhacay Isgoyska Ceel-gaabta ee magaalada Muqdisho.

Odeyga oo ahaa ganacsade ayaa waxaa dilkiisu yimid, ka dib markii Askariga uu diiday dalab ka yimid askariga oo ahaa inuu siiyo xabad sigaar ah taasoo keentay inuu rasaas ku furo, waxaana askariga dilka geystay oo isku dayey inuu baxsado gacanta ku dhigay ilaalada Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada ee maamulka gobolka Banaadir oo goobta marayey xiligaas, kuwaasoo xabsiga u taxaabay.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Taliska Ciidanka Booliska ayaa waxaa lagu sheegay in Askariga dilka geystay uu xiran yahay, isla markaana ay ku socdaan baaritaano ku aadan dilkaas, lana horgeyn doono cadaalada.

“Askarigii dilka ugu geystay isgoyska Ceelgaabta ee Magaalada Muqdisho Muwaadinka Soomaaliyeed, ayaa Ciidanka Boliisku gacanta ku dhigeen, kiiskaas Waxaa ku socda baaris, wuxuuna wajahayaa Cadaalada” ayaa lagu yiri Qoraalka.

Ciidamada dowlada qaarkood ayaa bilihii la soo dhaafay dilal macno daro ah ugu geystay magaalada Muqdisho dad shacab ah oo aan hubeysneyn, waxaana la qabtay qaar ka mid ah askartii dilalka fulisay halka qaar kalena ay baxsadeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -