Shir ku saabsan Is cafinta Bulshada oo lagu qabtay Gaalkacyo (Daawo Sawirada)

Koonfurta magaalada Gaalkacyo ee maamulka Galmudug lagu qabtay Shir ku saabsan iscafinta iyo tiiraanyo bixinta, waxaana shirkan loo qabtay haweenka , waxaana uu qeyb ka yahay shirar loo qabanayo qeybaha bulshada, oo ku saabsan sidii ay isaga cafin laheyn wixii xumaan ah ee horay uga dhaxeeyay.

Shirarkan ayaa hordhac u ah diyaar garowga dhismaha Gole deegaan oo raalli la isaga yahay, kuna yimaada rabitaanka Shacabka magaalada  Gaalkacyo, kaasoo la qorsheynayo in dhowaan la sameeyo

Waxaa shirkan is cafinta iyo tiiraanyo bixinta soo qaban qaabiyay Hey’addaha CRD, FCA IYO EISA oo Galmudug ka caawin doona inta badan dhismayaasha golaha deegaanka degmooyinka Galmudug.

Daah-furka shirkan is cafinta muhiimka ah waxaa  ka qeyb galay qeybaha kala duwan ee bulshada, Maamulka magaalada Gaalkacyo iyo xubno ka socday hey’adaha soo qaban qaabiyay.

Cabdi Sheekh Doon Nageeye oo ka socday Hey’adda CRD ayaa sheegay inay in Wasaarada arimaha Guddaha Galmudug iyo dadka deegaanka ka caawin doonaan dhismayaasha golaha deegaanka, iyaadoona mashruucan ay maal galineyso Midowga Yurub.

Waxaa sidoo kale kulanka ka hadlay Duqa magaalada Gaalkacyo, Xildhibaano , Hogaanka Haweenka Galmudug , waxa ayna dhamaan uga mahad celiyeen Hay’adadaha soo agaasimay shirarakan is cafinta, iyagoona tilmaamay in loo baahan yahay in bulshada is cafiyaan si ay u helaan maamul ay raali kawada yihiin.

Haweenka Gaalkacyo ayaa dhankooda ka qayb qaadanayey dooda ah sidii ay bulshadu isku cafin lahaayeen, si loo helo gole deegaan oo ku yimaada rabitaanka shacabka, waxaana ra’yigooda ku biiriyeen mas’uuliyiinta shirka soo qaban qaabiyay.

Shirkan oo kale ayaa sidoo kale loo qabtay dhalinyarada ku dhaqan Gaalkacyo maadaama qeyb muhiim ah ka yihiin bulshada magaaladaasi ku dhaqan, waxaana la qorsheenayaa in shirkan qeyb kawada noqdaan dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -