RW Khayre oo kulan xasaasi ah la qaatay safiirada Midowga Yurub ee Somalia (Sawirro)

Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Midawga Yurub ayaa Muqdisho ku yeeshay kulan looga hadlay horumarinta Dhaqaalaha, Deyn cafinta sida dib-u-habeynta ciidamadu ay uga qayb qaadatay horimarinta amniga iyo nabad-gelyada iyo xoreynta iyo xasilinta deegaannada argagaxisadu ay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudaneĀ Xasan Cali KhayreĀ ayaa guddoomiyay kulanka oo qay ka qayb galeen wasiirrada xukuumadda qaar kamid ah safiirrada midawga Yurub ee Muqdisho ku sugan oo uu hoggaaminayay safiirka midawga Yurub ee Soomaaliya, Nicolas Berlanga.

Kulanka oo ka dhacay xafiiska Raā€™iisul Wasaaraha ayaa qayb ka ahaa shirarka joogtada ah ee looga hadlo horumarinta wadashaqeynta ka dhexeysa dowladda federaalka Soomaaliya iyo Midawga Yurub.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -